“Muuse Biixi waa kaa Qaban kari Waayay Xuskii Ciidanka Qaranka” Xoghayaha Guud ee WADDANI

Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xusen Cabdi ayaa sheegay in aan Muuse laga baryayn inuu doorashada qabto.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in madaxweyne Muuse aanu dalka ku qabsan xoog isla markaana aanu xoog ku haysan karin dalka.

Sidoo kale wuxuu xusay in ninka maanta doonaya kaligii taliye inuu nasiib daran yahay oo tiknoolajiyaddu aanay u suurto gelinayn.

Xoghaye Khadar Xuseen wuxuu sheegay in kartidiisu ay sababtay inuu qaban kari waayey xuskii ciidanka qaranka ee 2da Feberwari.