Xubintii Komishanka Doorashooyinka ee WADDANI oo Iscasilaya

Hargeysa(Qaran news)-Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa xubintii gudiga doorashooyinka qaranka ee xisbiga WADDANI soo magacaabay ayaa ilo xog ogaal ah oo Qarannews heshay daboolka ka qaadeen inuu is casili doono maalinta bari ah

Cabdicasiis Xirsi Warsame ayey is khilaafsanaayeen muddaba komishanka doorashooyinka. Iyadoo madaxweynuhuna hore ugu diray golaha Wakiillada inay go’aan ka gaadhaan, hase ahaatee Golaha Wakiillada cod ku meelmariyay in lagu celiyo shaqadiisii.

Todobaadkii hore ayuu haddana mar labaad madaxweynuhu ku celiyay Golaha Wakiillada inay qaraar ka gaadhaan xubintan.

Ilo looga qaateen ah oo kala duwan ayaa shebakada Qarannews u caddeeyay in Cabdicasiis Xirsi Warsame uu maalinta bari ah is casili doono, si xisbiga WADDANI ugu magacaabo Komishanka xubin kale, waxana ay wararku sheegayaan in xisbiga WADDANI uu diyaariyay xubintii bedeli lahayd oo ay u gudbin doonaan madaxweynaha 24-ka saacadood ee fooda inagu soo haya

Siciid Maxamed Cismaan ayaa xisbiga Waddani uu u gudbin doonaa madaxweynaha si loogu bedelo jagada uu baneeyay Cabdicasiis Xirsi Warsame