Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiga Sh. Cali Jowhar

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane ayaa kormeer ku tagay dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar, ee magalada Boorama ujeedka kormeerka wasiirka ayaa ahaa xog-ogaal unoqoshada habka wax-dhigista iyo tayada waxbarasho ee dugsiga iyo Daah-furka imtixaan tijaabo ah oo laga qaadayo ardayda sannadkan ee fasalada Afraad.

Sidoo kale wasiirku waxa uu kormeer ku tagey dugsiga hoose dhexe ee A.A.Good halkaasi, isaga oo halkaasi kula kulmay macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi wax ka dhigata, waxaanu ardayda ku booriyay inay dedaalaan, waxbarashadoodana xoojiyaan.

Geesta kale wasiirka ayaa soo kormeeray dugsiga sare ee Al-Aqsa ee magaalada Borama, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyey maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi wasiirka ayaa ka Daah-furay barnaamij dhirbeeris ah oo lagu cagaarinaayo goobaha waxbarashada ee dalka waxaan isla saaka goobta dugsiga wasiirku ku beeray geedkii ugu horeeyey.

Wasiirka howla shaqo u jooga magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa maalmihii u danbeeyay waday kormeer u ku maray goobaha waxbarashada ee magaalada Borama, waxaanu halkaasi hadallo waano iyo dhiirigelin isugu jira uga jeediyay ardaydii iyo macalimiintii uu la kulmayay.