TOLLA’AY OO INANTAYADU GUURBEESHAY WAXA KU JIRTA XIGMAD WEYN OO JAAHILIYA.

Tolla’ay oo inantayadu guur beeshay sharraxeeda halkan kuma soo koobi karo.

Haweenka waddanka Soomaaliland iyo soomaalida kale qaar ka mid ah si weyn ayaa looga qaddariyaa loona ilaaliyaa sharaftooda inanta aabbaheed iyo walaaladeed waxyaalaha ceebta ah saqajaanimada ku jiraan way ka fogaan jireen dadku berigii hore ilaa iminka si aanay dadkaas xun cad ugu yeelaan, nin waliba wuu ilaashan jiray sharftiisa si aanay hablahooda u saamayn Waayo haweenka iyo geelaba waalla hiddo raacaa waxaad arkaysaa habllo wanaagsan oo raggii hiddo raacay ay uga joogsadeen guurkooda walaalladood oo dad xun ah taasoo kellifaysa inantii inay ajaaniib raacdo waana dulmi habllo badan oo wanaagsan ku dhacay weli arrintaas casri jaahiliga ahi way socotaa waxaana habboon in la dhawrsoonaado oo la ilaaliyo xuquuqda diinta.

Guurku waa waajib inuu diinta islaamka ku salaysnaado oo aan la xad gudbin si ilaahay uu innoogu asturo ubadka oo ah mustaqbalka tafiirta aad kaga tegagayso adduunka waxaan leeyay waar hooy ragoow xuquuqda hooyada iyo hablaha ilaaliya.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.