





Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Mr. Christopher Pycroft, Agaasimaha Xafiiska Horumarinta ee Dowladda Ingiriiska, oo ay weheliyaan La-taliyaha Horumarinta ee FCDO xafiiska Hargeysa, Mss Tatiana Fernandes, iyo saraakiil kale oo ka socda xafiiskaas.
Intii kulanku socday, labada dhinac waxay iska xog-waraysteen mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Somaliland, iyagoo si gaar ah looga hadla, mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), iyo mashaariic kale oo muhiim ah.
Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Dowladda Somaliland iyo Dowladda Ingiriiska, si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba siiso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, qorshaynta iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah. Waxayna la wadaagtay halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee dalka, qorshaha horumarinta qaranka (NDPIII) iyo mudnaanta dawladdu siiso horumarinta waara.
Dhankiisa, Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Dowladda Ingiriiska, Mr. Christopher Pycroft, ayaa uga mahadceliyey Wasiirka iyo Wasaaradda sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan FCDO. Wuxuuna balan qaaday in ay sii xoojin doonaan wada-shaqaynta iyo iskaashiga horumarineed ee labada dal.





