
Aabbe 13 Sano Carruurtiisu U Haysteen Inuu Dhintay isaga oo la jooga
Suuriya waxaa ka dhacday qiso murugo badan oo muujinaysa raadadka culus ee cabsi iyo cabudhin ay qofka ku reebi karaan.
Nin Suuriyaan ah ayaa muddo in ka badan 13 sano ku noolaa meel aad u cidhiidhi ah oo uu ku dhex qariyay gurigiisa, isagoo ka baqayay in la qabto oo xabsiga loo taxaabo xilligii xukuumaddii Bashaar Al-Asad.
Ninku bannaanka uma soo bixi jirin. Cuntada, biyaha, dharka iyo daawada waxaa si qarsoodi ah ugu keeni jirtay xaaskiisa, iyadoo waxyaabahaas uga soo gudbinaysay dalool yar oo derbiga ku yaallay.
Meeshaas cidhiidhiga ah ayuu ku cuni jiray, ku tukan jiray, kuna seexan jiray.
Laakiin waxa ugu murugada badnaa waxay ahayd in carruurtiisu ay guriga kula noolaayeen, haddana aysan garanayn in aabbahood uu derbi gadaashiisa nool yahay.
Si carruurtu aysan si kama’ ah u fashilin sirta, hooyadood waxay u sheegtay in aabbahood uu dhintay.
Sannado badan ayuu ninku maqli jiray codadka carruurtiisa, qosolkooda iyo ciyaartooda, isagoo dhowr tallaabo oo keliya u jira, balse aan awoodin inuu u soo baxo, la hadlo ama laabta ku qaado.
Carruurtiisu waxay u haysteen inuu dhintay, halka uu isagu maalin kasta maqli jiray iyaga oo nool.
Wax walba waxay is beddeleen markii uu dhacay nidaamkii Bashaar Al-Asad dhammaadkii 2024.
Markii uu ogaaday in xukunkii uu ka baqayay uu burburay, ninkii 13-ka sano ku dhuumanayay gidaarka gadaashiisa ayaa ugu dambayn ka soo baxay meesha uu noloshiisa ku aasnaa.
Carruurtiina waxaa loo sheegay runta: aabbahood ma dhiman — wuu noolaa, wuxuuna sannado badan ku jiray gurigooda dhexdiisa.
Markii ay arkeen, waxaa dib loo soo celiyay kulan ay noloshu muddo dheer ka xayuubisay.
13 sano ayuu derbi gadaashiis ku noolaa, laakiin waxa uu ugu adkaa ma ahayn cidhiidhiga meesha uu ku dhuumanayay; waxa ugu xanuunka badnaa waxay ahayd inuu maqli jiray carruurtiisa isaga oo aan awoodin inuu yiraahdo: “Aabbihiin waan ahay.”
Qisadani waxay noqotay mid ka mid ah sheekooyinka xanuun
By Maxamed Cadde





