Shan qodob oo Madaxweyne Muuse Biixi u doonayo inuu 9 Bilood gudahood ku qabto laba doorasho, ta Ururrada soo horeyso.
1- Inuu qiimeyn karo jewiga siyaasaddeed iyo Xisbiyadu soo gudba, taasna ay noqoto ta go’aamisa mustaqbalkiisa siyaasaddeed iyo ta Kulmiye.
2- In Murrashax yahay oo fursad weyn ugu jirto inuu tartamo wakhtigaas kooban, madaama oo aan loollan adag iyo kala daadsanaan dhaawacda hankiisa ku iman karin Xisbigiisa guddihisa.
3- In haddii tartanka Ururrada uu soo horreysiiyo, ay fursad weyn u tahay madaama oo ugu yaraan uu filan karo inuu saaxadda soo geli karo Urur-siyaasaddeed cusub oo Xisbi noqda, kaas oo dheeli tiri kara codadkii dadweynaha oo fursad uu ku guuleystana siin kara, madaama sida uu qiyaasi doorasho madaxtooyada oo soo horeysaa ay tahay mid codadka la dhiibanayo uu yahay mid Kulmiye iyo Waddani u badan kara, taasna aanu kalsooni buuxda lagu qabi karin natiijada ka soo bixi karta.
4-Inuu la tartamo Xisbiyo soo baxay oo dhaqaale badan kaga soo baxay Doorashada Ururrada, oo niyad ahaan, Maaliyad ahaan iyo abaabul ahaanba ay adkaan karto in ay xusbul xaakim la tartamaan.
5- In Haddii doorashada Madaxtooyada la soo horeysiiyo culays badan oo taageeradiisa dhaawacda ay saari karaa Ururrada soo baxay.
Maxay kula tahay adiga?
Saleebaan Saxansaxo