6 Qodob Komishanka Doorashooyinka u FURAN.
6 Qodob oo LAGAMA MAARMAAN ah.
3 Qodob oo la GUDBOON.
3 Qodob oo aan SUURTOGAL ahayn

Xog Ururin Indheergaradka Somaliland

Ruugcaddaa Wariye Almis Golis Buurdhaab, (Indha Dheere) ayaa xog kasoo uruuriyey 12 usygy hura aqoonyahanka iyo haldoorka Somaliland ee siyaasadda sanceeya.
Warbixintii oo kooban waxa lagu soo xooriyey qaybaha soo socda:

1. Bogaadin
Waxaa la bogaadiyey oo loo guuxay in Komishanka doorashooyinku uu qaaday tallaabadii la gudboonayd oo ah WADATASHIYO uu la samaynayo qaybaha kala duwan ee saamileyda, daneeyeyaasha, kulaalayaasha iyo qaybaha kala duwan ee waxgaradka Somaliland. Wadatashiyadu arrimihii siyaasadda ee murganaa waxa ay kasoo saareen qolalka madow ee ay ku haysteen dhawrka qof ee danaha siyaasadeed ka dhex eegayey masiirka ummadda iyo murugga galay hannaankii dimuqraadiga Somaliland

2. Lix (6) Qodob oo Komishanka Doorashooyinka u FURAN
Xog-ururintu waxay soo bandhigtay oo aqoonyahanka warkoodu ku soo uruuray in Komishanka u FURAN yihiin lixdan qodob oo kala ah:
1.In ay cayimaan doorashada URURRADA kaliya waqti koobanna u qabtaan, waqti xaadirkanna ka gaabsadaan midda madaxweynaha (sidii Madaxweynuhu rabay ku raacaan)
2.In ay cayimaan doorashada MADAXTOOYADA kaliya waqti koobanna u qabtaan, waqti xaadirkanna ka gaabsadaan midda ururrada (sidii Xisbiyadu rabeen ku raacaan)
3.In ay cayimaan in LABADA DOORASHO isku hal mar dhacaan oo isku sidkaan waqti dhawna u qabtaan (taladii ganacsatadu soo jeedisay)
4.In ay LABADA DOORASHOBA WAQTIYADOODA LA CAYIMO oo lasoo horaysiiyo doorashada URURRADA waqti koobanna loo dhaxaysiiyo
5.In LABADA DOORASHOBA WAQTIYADOODA LA CAYIMO oo lasoo horaysiiyo doorashada MADAXWEYNAHA waqti koobanna loo dhaxaysiiyo
6.In MADAXWEYNAHA loo daayo in uu DHAMMAYSTO labadii sano ee loo kordhiyey ka bacdina ay dhacdo doorasho MADAXWEYNE midda ururradana lagu celiyo halkii ay hore ugu jiri jirtay oo ah doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 2026

3. Lix (6) Qodob oo Komishanka Doorashooyinka LAGAMA MAARMAAN u ah
1.In ay iska ilaaliyaan in ay qaataan hal arrin oo cid gaari riixaysay oo u dan ah daraf kaliya. Waa in ay qaataan talo guusha la wada leeyahay oo la iska wada dhex arkayo
2.Sidii caadada u ahaan jirtay Komishannadii hore, in ay kulmiyaan oo isu keenaan hogaamiyeyaasha siyaasadda, masuuliinta goleyaasha qaranka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada oo hordhigaan qodobada sare ee iyaga u FURAN. Waa in ay la wadaagaan qodob kasta tallaabooyinka sharci ama tashi ee ka dhalanaya kobka go’aankii la qaato.
3.In ay KALSOONI abuuraan oo soo ceshadaan aaminaadda iyo haybadda looga baahan yahay Komishan garsoona
4.Qodob kasta oo ay soo saaraan waa in ay raaciyaan qaabka uu ku fulayo ee ugu fudud
5.Xalka ay keenaan waa in uu noqdaa mid aan dib loogu noqon oo dhammaan daneeyeyaashu saxiixaan, weliba intii ay la tashadeen markhaatiyaal ka dhigaan
6.In ay isu arkaan in ay iyagu maanta noqon karaan KUWII SOMALILAND BADBAADIYEY

4. Saddex (3) aan SUURTOGAL ahayn
1.Madaxweynaha muddo-kordhintiisa haloo daayo oo ha dhammaysto, doorashada ururradana hadda hala qabto,
2.Doorashada doorashada ururrada kaliya hala qabto ta Madaxweynahana yaan laba soo hadal qaadin!
3.Doorashada Madaxweynaha kaliya hala qabto midda ururradana yaan lasoo hadal qaadin

1. Saddex (3) Qodob oo Komishanka la GUDBOON
Marka la eego qabyooyinka sharci, duruufaha lagu jiro iyo murugga siyaasadeed, waxaa CAD in qodob kasta oo la qaataa u baahan yahay QABYO-TIR SHARCI. Tusaale ahaan waa la tixgeliyo muddo-kordhinta Madaxweynaha loo sameeyey oo gole qaran sharciyeeyey, sidoo kalena doorashada ururradu waxay u baahan tahay xeer u gaara. Sidaa darteed, waa lagama maarmaan in qabyooyinka shuruucda la tixgeliyo go’aankasta oo la qaadanayo.
HADDABA, xogta lasoo uruuriyey waxa ay u badatay in xaaladan lagaga bixi karo labadan Qodob oo si is-oggol ah la isula qaato, kuwaas oo kala ah:
1.In muddo-kordhinta Madaxweynaha ee ku eg November 2024 la qabto doorashada Madaxweynaha oo waqtigiisa loo daayo, hase ahaateen markaas la qabto doorashada MADAXWEYNAHA KALIYA, midda ururrada dib loola doonto doorashadii ay ka mid ahayd
2.In labada doorasho ee URURRADA iyo MADAXWEYNAHA mar la wada qabto laakiin muddada dib loo dhigo oo sannadka dambe horaantiisa la qabto
3.In MUDDO KOOBAN loo dhaxaysiiyo labada doorasho oo lasoo horaysiiyo midda URURRADA laguna xigsiiyo midda MADAXWEYNAHA oo bilo loo dhaxaysiiyo

TUSAN