Xukumaddii Daahir Rayaale Nin Fal Argagixiso Somaliland ka dhex fuliyey kama baxsan. Meeshu tago waa laga soo qabtey.

#Akhri_Qormadan

Amniga dowladda nimadda Heerka Xukumaddii Dahir Rayaale aan idinka Xasuusiyo. Dhamaan argagixisadii Somaliland dilalka ka geysatey.

Dhamaantood gacantu ku soo dhigey. Waxa ka midda ninkii Qoyskii Ingiriiska Ahaa iskuulka (SOAS) ee Sheikh ku dilley. Xukumadii Dahir Rayaale markuu baxsadey kamey hadhin.

Xamar buu tagey, Mayorkii Moqdisho ninka Noqdey ee lagu Magacaabo #Cumar_Finish xukumaddii Fqrmaajo oo markaas ahaa Warlord ayay adeegsatey ciidankiisii.

Ninkii oo guri dhex fadhiya ayay lug intey ka dhaceen soo qabtey. Sidii baana Hargeisa lagu keeney jeelka Madheera lagu ridey. Madaxweyne Rayaale waxu yidhi nin dalkeyga danbi ka galey meelna igaga baxsan, maayo.

Sidda markey ogaaden nimankii dagaalyahana ahaa. Waxey yidhaahdeen Somaliland sheydaan Sirdoona heysta oo macangaga. Ilaa ey ka cageen iney Somaliland ku soo dhiiradaan.

Kuwi kale ee dhamaan dadka cadaanka laayay, kuwo #Dhoqoshey baa lagu soo qabtey, Kuwona #Waqdariya oo ka midda Xeebaha Gobolka Sanaag. Qaarna Gobolka Awdal, iyo Saaxil.

Cid aragagixa oo xukumaddi UDUB dalka Somaliland shacabkeeda danbi ka gashey oo ka baxsatey mey dhicin. Awooda sirdoon ee xukumaddii UDUB waxu ku dhisnaa mid caalamka iyo dowaadaha jaarka ku xidhan.

Xamar oo aan dowladii ka jirina cidii danbi Somaliland la gashaa kumey nabad galeyn oo xukumaddu cidey doonto ha adeegsate waa laga soo dhex qabaneyey.

Hadaba muwaadin maxaa is bedeley ma dowladnimadeena wax iska bedeleen. Mise dedaalbaan jirin. Mise ciidankeena ayaan la siin awoodey ku shaqeyn lahayeen

Jawaabtu waa xagiina.

Alxaqiiqa.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari