Beesha Maxamed Sheekh Isaxaaq – ( šš¢š¦š«ššš§ ) ayaa habeenkii xalay aheyd magaalada Burco ku qabatay xafladan balaadhan oo ku muujinayaan cududa taageero ee ay u hayaan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI .
Xafladan waxaa ka soo qeyb galay dhamaan madax dhaqameedka Beeshan , aqoonyahanka , Dhalinyarada ,Haweenka iyo siyaasiyiinta Beeshan .
Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye Xirsi oo beeshan kala qeyb galay xafladan dhoolatuska ah ayaa uga mahadceliyey beesha Taageerada xad dhaafka ee ay isla barbar taageen xisbiga WADDANI.












