Inta badan dadka waxay ogyihiin adigoo dhargan hadii aad seexato in ay taasi saameyn ku yeelaneyso hurdadaada.

Balse in wax laga bedalo sida aan wax u cuno ayaa kor u qaadi karta hurdadeena. Hadii aad seexato adigoo cunto badan cunay, waxay taas keeneysaa in aad hurdada ka soo kacdo adigoo daalan.

Si dheefshiidka u burburiyo cashadii badneyd waxa uu jirka u baahan yahay tamar taas oo carqaladeysa hurdada, waxay keentaa in aadan nasan habeenkaas.

Nasiib wanaag, waxaa jira habab kor loogu qaadi karo hurdada adigoo cunaya cunto fiican, waxaadna ka fogaaneysaa cuntooyinka iyo cabitaanada hurada kuu diidaya sida cabitaanada ay ku jiraan Kafiinka.

Waxaa jira cuntooyin fiican gaar ahaan marka aad cunto ka hor inta aadan seexan kuwaas oo kor u qaadi kara tayada huradaada.

Cunto mise Nafaqo?

Daraasado dhowr ah ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah cuntoyinka ay hurdada kor u qaadaan. Daraasad yar ayaa lagu ogaaday in cabitaanka Jeeriga lagu magacaabo uu hurada kor u qaado. Cilmibaaris kale ayaa lagu ogaaday in miraha loo yaqaan kiwi hadii aad cunto kar hor inta aadan seexan ay leeyihiin faa’idooyin. Sidoo kale waxay cilmibaarista muujineysaa in caanaha kulul ay u fiican yihiin hurdada.

Waxaa la rumeysan yahay in caanaha laga helo macdano soo saari kara dhecaanada kor u qaada huradada.

Bbcsomali