
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, isaga oo kala hadlay habsami-u-socodka shaqooyinka iyo dardar gelinta hawlaha muhiimka ah ee ay Qaranka masuulka uga yihiin.
Kulankaa isaga ah, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Hay’adaha Madaxa Bannaan ay door muhiim ah ku leeyihiin Dhismaha Dawladnimada iyo daah-furnaanta Maamulka, kor u qaadista isla xisaabtanka, ilaalinta shuruucda dalka, iyo tayaynta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada.
Madaxweynaha ayaa Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan ku boorriyey in ay si buuxda uga shaqeeyaan waajibaadkooda Qaran, isla markaana ay bulshada JSL ugu adeegaan Daacadnimo, Xilkasnimo, Hawlkarnimo, hufnaan iyo eex la’aan.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝





