Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Cirro ayaa la filayaa in uu soo gabo gabeeyo safarkii uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Cirro ayaa guulo waaweyn ka gaadhay safarka uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, waxana la filayaa in saddex cisho gudahood uu Madaxweynuhu uu isaga safri doono Abu Dhabi Hargeisa iyo Addis Ababa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xiligani ay kala jiidanayaan madaxda caalamku waxana iska soo daba dhacaaya martiqaadyo iyo xidhiidho mihiim ah oo uu ka helaayo madaxda caalamka, waxana uu madaxweynahu uu sadex cisho gudahood uu aadi doonaa Itoobiya isaga oo marti qaad rasmi ah ka helay dhigiisa Itoobiya Dr Abiy Ahmed

Somaliland ayaa cagta saartay dhabadii aqoonsiga iyo horumarka tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxweyne Cirro

La soco wararka Madaxweynaha