
























๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ ๐ฎ ๐๐๐ฅ๐ข๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ฅ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb-galay Shirweynaha Qaran ee Xal u Helidda Mushkiladda Shilalka Gaadiidka oo ay si heer sare ah u soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
Madaxweynuhu waxa uu mahad naqay madaxda sare ee Wasaaradda, shaqaalaha iyo ciidamada Nabad gelyada wadooyinka , isaga oo ku bogaadiyay hawsha culus ee ay Qaranka u hayaan. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay daneeyeyaasha iyo Hayโadaha Caalamiga ah ee Wasaaradda hawshan ka gacan siiyey.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Shirkani yahay mid mudan in uu Qaranka JSL isugu yimaaddo, maadaama ay tahay arrin taabanaysa nafaha dadka, nabadgelyada waddooyinka, dhaqaalaha iyo mustaqbalka jiilka soo koraya.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Shilalka Gaadiidku ay noqdeen Mushkilad Qaran, loona baahan yahay in laga yeesho talo mideysan, Qorshe Qaran, shuruuc adag iyo ka goโnaansho dhab ah oo arrintan wax lagaga qabanayo.
Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan qaybaha Dawladda in bedbaadinta nolosha dadku ay tahay waajib Qaran oo leh mudnaanta koowaad.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu
Baaq Qaylo-dhaan ah iyo Gurmad degdeg ah oo la xidhiidha Abaaraha baโan ee ka jira dhammaan Gobollada dalka uu u diray dhammaan Hayโadaha Dawladda, Saaxiibada Somaliland, Hayโadaha UN-ta, Ururrada Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ganacsatada reer Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland gudaha iyo dibeddaba.
Madaxweynuhu waxa uu si dareen naxariis leh ugu baaqay in loo gurmado bulshada reer Somaliland ee ay Abaaruhu ku habsadeen, isaga oo sheegay in Xukuumaddu gargaarka Abaaraha ugu deeqday ๐,๐๐๐,๐๐๐ $ ( ๐๐๐ฅ ๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐ซ).
Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu ballanqaaday in Xukuumaddu ay si degdeg ah u fulin doonto go’aamada iyo talooyinka ka soo baxa Shirweynaha, isla markaana laga dhigi doono Qorshe Qaran oo dhab ah oo wax laga qaadanayo Mushkiladda Shilalka Gaadiidka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






