๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ซ๐๐๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ฎ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐ข๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Maanta oo ay taariikhdu tahay 26.12.2025, Dawladda Dalka Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal.
Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay Dawladda Israel u fidisay Somaliland waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland u furayaa bog cusub oo taariikhi ah oo ku aaddan iskaashi caalami ah, amni, dhaqaale, tiknoolajiyadeed iyo diblomaasiyadeed, isaga oo xoojinaya doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Raysal Wasaaraha Dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono dalka Israel si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dal.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






