Ciidamada ICE ee Minnesota oo barafka ku jiiday nin ay u dhaceen gurigiisa

MinnesotaXigashada Sawirka,Reuters
Saacad ka hor
Nin deggan gobolka Minnesota ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shalay inuu dareemay cabsi, ceeb, iyo rajo-beel, maalin ka dib markii saraakiisha socdaalka ee ICE ay albaabkiisa ku jebiyeen qoryo, ay katiineeyeen, ka dibna ay ku jiideen barafka isagoo xiran buume iyo kabaha guriga lagu joogo.

ChongLy Thao, oo 56 jir ah, una dhashay Mareykanka (isagoo isticmaala magaca Scott), ayaa sheegay in gurigiisa dib loogu soo celiyay galabnimadii Axadda iyada oo aan wax sharraxaad ah ama raalligelin ah la siin.

“Waan duceysanayay. Waxaan lahaa, Ilaahow fadlan i caawi, wax khaldan ma sameyn. Maxay sidan iigu sameynayaan? Anigoon dharkayga qabin,” ayuu Thao, oo ah nin u dhashay qowmiyadda Hmong ee dalka Laos, ugu sheegay Reuters isagoo joga gurigiisa Isniintii, xilli deriskiisu ay ku mashquulsanaayeen hagaajinta albaabka jabsan.

Sawirrada dhacdadan oo muujinaya Thao oo dhar la’aan ah, bustena ku duuban, kuwaas oo ay qaadeen sawir-qaade ka tirsan Reuters iyo dad goob-joogayaal ah, ayaa ku faafay baraha bulshada. Tani waxay sii kordhisay walaaca laga qabo in saraakiisha amniga federaalka ay ku xad-gudbayaan awooddooda qayb ka ah ololaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo lagu geeyay ilaa 3,000 oo sarkaal agagaarka Minneapolis.

Bayaan ay soo saareen qoyska ayaa waxay dhacdadan ku tilmaameen mid “aan loo baahnayn, meel-ka-dhac ah, isla markaana argagax weyn ku reebtay.” Heerkulka ugu sarreeya ee Saint Paul maalintii Axadda wuxuu ahaa 14 darajo Fahrenheit.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay baritaanno ku hayeen labo dambiile oo hore loogu xukumay dambiyo galmo oo ku sugnaa ciwaankaas, uuna muwaadin Mareykanka ah oo halkaas degganaa diiday in laga qaado faraha ama aqoonsiga wejiga, sidaas darteedna loo xiray.

“Wuxuu u ekaa sharraxaadda dadka la raadinayay. Sida hay’ad kasta oo sharci fulin ah, waa hab-maamuus caadi ah in la hayo dhammaan shakhsiyaadka ku jira guri hawlgal laga fulinayo si loo sugo ammaanka dadweynaha iyo kan saraakiisha,” ayay afhayeenka DHS Tricia McLaughlin ku tiri bayaan ay soo saartay

Sababta aan halkan u joogno’

Minnesota

Xigashada Sawirka,Reuters

DHS (Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka) waxay soo saartay ogeysiisyo dad la raadinayo oo ku saabsan labo nin oo bartilmaameed u ahaa baaritaanka kuwaas oo weli baxsad ahaa, iyadoo mid kasta lagu sifeeyay “ajnabi sharci-darro ah oo dambiile ah” kana yimid Laos, isla markaana lagu soo rogay amarro masaafurin. Sida ay sheegeen ehel la socday xaaladda, mid ka mid ah ragga ku qornaa ogeysiisyada la raadinayo hore ayuu u deggenaa guriga balse wuu ka guuray, waxaana lagu tilmaamay inuu ka tirsanaa qoyska Thao.