“Dheeraa wadadu yeey, waddankuna fogaayeey, walbahaarku KULULAA” bay ahayd heestu.
Waxaan ku darayaa: ICTIRAAFKU KULULAA.
Ictiraafku wuu kulul yahay oo Mr Jawaan baa hore u sheegay.
Codkayga waxaan ku darayaa dadka odhanaya ictiraafka lagama soo horjeesan karro! Joogsi. Taasi waa khad cas. Sheekh iyo shariif kaad doonto ahaw. Midna aan idiinku daree waa xaqiiq in culimadeena intooda badani ay Somaliland u arkayeen gooni goosad aan shareecada waafaqsanayn. Sidaa darteed carrabka kumay badin. Waana arrin taariikhi ah oo soo jiitantay ilaa halgankii dibu xorraynta oo culimada qaarna halgankaasi qayb ka ahaayeen qaarna kasoo horjeedeen. Wax lala yaabana maaha oo adduunkoo dhan arimaha masiiriga ah waa lagu kala rayi duwanaadaa. Qaybtaa culimada ah ee berigii halganka inaga fikirka duwanayd weeyaan kuwan uu carrabkoodu Somaliland kari la’yahay markaa. Intaasi waa taariikh aanay beeni ku jirin.
Ma maqli jirtay waxaasi waa belaayo loo baahan yahay? Hadaba ictiraafku waa belaayo loo baahan yahay.
Waa cashuurta oo kale. Hadaan cashuur la qaadina dawladnimada maanta aynu naqaanaa ma jiri karto.
Mana jirto meel diintu cashuurta ku xalaalaysay hadana waxay noqotay belaayo loo baahan yahay oo waan bixinaa hadh iyo habeen. Sheekh iyo shariifba.
Hadaba qolyaheena reer ictiraafna mid baan leeyahay oo waxaan leeyahay haddaad aragtaan dhowr qof oo inaga rayi duwan seefta hasoo qaadanina ee kala duwanaanta u cudur daara, ilbaxnimaday qayb ka tahaye. Siiba markaynu ka hadlayno culimada heerka Sh Mustafe iyo Sh Dirir taagan, ee maamuuska iyo qadarinta inaga mudan. Ka maanta inaga rayi duwani berri buu soo baydhi ee budhka hakula cararina. Bisayl aan muujino. Ictiraafku wuu kulul yahay oo haduun bay xadaaradi inoo bilaabantee aan cagta u dhigno ma jirto sabab aynu u warwarnaa maadaama 99% ay dadku isku dhinac yihiine.
Adduunka ma jirto meel naska iyo waaqucu is waafaqsan yihiin 100% oo suxul muldhukh ay waxkastaa yihiin. Maanta waan dheereeyee halkaas haynoo joogto.
#Ictiraafka_Somaliland.
Rashiid Awraali






