Dalalka Somaliland iyo Taiwan ayaa galay marxalad taariikhi ah oo cusub kaddib markii la xaqiijiyey in qodista shidaalka Somaliland ay bilaaban doonto horraanta sannadka 2026.
Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan, Maxamuud Galaal , ayaa carrabka ku adkeeyey in xidhiidh ka labada dal ee dimuqraadiyadda ku dhisan uu si xawli ah u kobcayo, isla markaana uu gaadhay heer iskaashi dhaqaale oo qoto dheer.
Danjire Maxamuud Galaal wuxuu xaqiijiyey in shirkadda tamarta Taiwan ee CPC Taiwan ay si firfircoon uga shaqaynayso qaybta Hydrocarbons-ka Somaliland, iyadoo qorshuhu yahay in hawlaha qodista shidaalka si rasmi ah u bilaabmaan bilowga 2026.
Tani waa tallaabo istiraatiiji ah oo Somaliland u horseedaysa:
Kororka dakhliga qaranka, Abuurista shaqooyin cusub, Soo jiidashada maalgashi caalami ah, Xoojinta madaxbannaanida dhaqaale
Somaliland.






