Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Qunsuliyadaha, Mora Namdar, ayaa sheegtay in dalkeedu uusan oggolaan doonin in “xubnaha nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo qoysaskooda ku dhow” ay ku takri-falaan “nidaamyada socdaalka iyo fiisooyinka Mareykanka.”
Akoonka Af-Faarisiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee barta X (Twitter) ayaa soo xigtay hadalka Ms. Namdar oo tiri:“Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka geesiyaasha ah ee Iiraan. Ma oggolaan doonno in xubnaha nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo xubnaha qoyskooda ku dhow ay ku takri-falaan nidaamyada socdaalka iyo fiisooyinka Mareykanka, iyagoo isla markaasna si arxan darro ah u cabburinaya dadkooda dalabanaya xuquuqda aasaasiga ah.
Bbcsomali






