Afhayeen u hadlay aasaasaha Microsoft, Bill Gates, ayaa ka jawaabay eedeymo ceeb leh oo ku jira faylasha ugu dambeeyay ee Epstein oo ay ka mid tahay in lagu eedeeyay inuu qaaday cudur galmada lagu kala qaado isaga oo ku tilmaamay eedeymahaas “kuwa gebi ahaanba aan macquul ahayn isla markaana si buuxda been u ah.”

Laba farriin (email) oo ku taariikhaysan 18-ka Luulyo 2013 ayaa u muuqda kuwo uu diyaariyay Epstein, balse ma cadda in waligood loo diray Gates. Labadaba waxaa laga soo diray akoonka email-ka ee Epstein isla markaana dib ugu noqday isla koontadaas. Ma jiro wax fariin ah oo si toos ah ula xiriira Gates oo muuqda, labada email-na midkoodna lama saxiixin.

Mid ka mid ah email-da ayaa u qoran sidii warqad iscasilaad ah oo ka timid Hay’adda Bill iyo Melinda Gates Foundation, wuxuuna ka cabanayaa in lagu khasbanaaday in daawo loo raadiyo Gates “si wax looga qabto cawaaqibka ka dhashay galmo uu la yeeshay gabdho Ruush ah.”

Fariin (email) kale, oo ku bilaabanaya “Gacaliye Bill”, ayaa ka cabanaya in Gates uu soo afjaray saaxiibtinimo, isla markaana wuxuu soo jeedinayaa eedeymo kale oo ku saabsan in Gates uu isku dayay inuu qariyo cudur galmo lagu kala qaado, xitaa xaaskiisii xilligaas, Melinda.

Afhayeen u hadlay Gates ayaa u sheegay BBC-da: “Eedeymahan — oo ka imanaya beenaale la xaqiijiyay oo xanaaqsan — waa kuwo gebi ahaanba aan macquul ahayn isla markaana si buuxda u been ah.”

Waxay intaas ku dareen: “Waxa kaliya ee dukumeentiyadani muujinayaan waa niyad-jabka Epstein ee ah inuusan xiriir joogto ah la lahayn Gates, iyo heerka fog ee uu u mari lahaa inuu dabin u dhigo kuna sumcad dilo.”