Fadhigii 56-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhigii 56-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:
(1) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada JSL warbixin guud ka siiyey Xaaladda Amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, min bari ilaa galbeed isla markaana aanay jirin wax shaqaaqooyin ah ama xiisad ah oo ka taagan dhammaan Gobollada dalka, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka.
Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay mar walba mudnaanta koowaad siinayso adkaynta amniga iyo xasilloonida Qaranka, gaar ahaan marxaladda cusub ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib, isaga oo xusay in Shacab iyo Dawladba looga baahan yahay feejignaan weyn, iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo la xidhiidha amniga dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.
(2) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in Colaadaha ka socda Bariga Dhexe ay saamayn karaan dakhliga gudaha iyo koboca dhaqaalaha dalkeena, maadaama qayb weyn oo dakhliga ahi ay ka timaaddo cashuuraha laga qaado alaabada iyo badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo. Wasiirku waxa uu xusay in loo baahan in aynu Qaran ahaan isku tashanno haddii ay colaadaha Bariga Dhexe sii daba dheeraadaan.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo ah Guddoomiyaha Guddida Sare ee Hoggaanka Siyaasadda Hayโadda Caymiska Qaranka waxa uu faahfaahin ka bixiyey muhimadda uu Caymisku Qaranka JSL u leeyahay, isaga oo xusay in Caymiska Qaranku uu yahay Tiir Istiraatiji ah oo lagu xoojinayo Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Dalka, ilaalinta Hantida Qaranka iyo suurto gelinta dhaqaale ku taagan tiiraar adag.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Hirgelinta Adeegyada Caymiska Qaranku ay tahay barnaamij Qaran oo u baahan in fulinteeda si wadajir ah la iskaga kaashado, maadaama Caymiska Qaranku uu faaโiidooyin badan u leeyahay dadkeenna.
(3) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐:
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay Xaaladda dagaalka Bariga Dhexe iyo saamaynta suurtagalka ah ee uu ku yeelan karo dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhinacyada maciishadda iyo shidaalka.
Wasiirku waxa uu xusay in xiisadaha ka aloosan marin-biyoodyada istaraatiijiga ah iyo dalalka soo saara Shidaalka ay sababi karaan kor-u-kac ku yimaadda qiimaha shidaalka iyo kharashaadka gaadiidka badda, taas oo si toos ah u saamayn karta qiimaha badeecadaha daruuriga ah ee dalka la keeno.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Ganacsiga oo kaashanaysa Guddi Sare (Task Force) uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland arrintan u xilsaaray ay si dhow ula socdaan isbeddellada suuqyada caalamiga ah, isla markaana ay wado qiimayn joogto ah, wada-tashi ganacsatada ah, iyo qorsheyaal lagu xasilinayo suuqyada gudaha si looga hortago sicir-barar iyo jahawareer ganacsi.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha u sheegay in ay kulan la yeesheen ganacsatada dalka iyaga oo ku adkeeyey in aanay kor u qaadin qiimaha maciishadaha iyo shidaalka, iyaga oo ku salaynaya xiisadda ka taagan Bariga Dhexe. Wasiirku waxa uu ganacsatada ku boorriyey in ay muujiyaan masuuliyad Qaran, isla markaana ay ilaaliyaan xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.
(4) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda caafimaadka dalka, isaga oo sheegay in hoos u dhac uu ku yimid xanuunka xummadda oo bilihii la soo dhaafay dalka ka jiray. Sida oo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay saamaynta ay Abaarahu ku yeesheen bixinta adeegyada caafimaadka iyo caqabadaha ka dhashay baahida cunto iyo biyo yarida sii kordhaya.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka digay in colaadaha Bariga Dhexe ay saamayn ku yeelan karaan helitaanka daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, maadaama intooda badan dibadda laga soo dejiyo. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaradda Caafimaadku ay si joogto ah u kormeeri doonto kaydka daawooyinka ee suuqyada dalka si loo hubiyo sugnaanta iyo joogtaynta kaydka daawooyinka muhiimka ah.
5) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa si qoto dheer Golaha Wasiirrada uga warbixiyey saamaynta baโan ee ay abaaruhu ku yeesheen hab-sami-u-socodka waxbarashada dalka, gaar ahaan deegaanada miyiga iyo bulshada xoolo-dhaqatada ah.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in Xaaladda Abaaruha ee biyo iyo cunto laโaantu ay sababeen barakac iyo hayaan baahsan, dhaqaale-yari iyo nolosha qoysaska oo adkaatay, taasina ay sababtay in arday badani ka maqnaadaan dugsiyada, taas oo u baahan gurmad iyo qorshe degdeg ah oo lagu badbaadinayo Waxbarashada carruurta ku nool meelaha ay abaaruhu sida gaarka ah u saameeyeen.
Wasiirku waxa uu soo jeediyey in Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran ay Qorshaha ku darsadaan sidii loo taageeri lahaa Iskuullada ay abaaruhu saameeyeen.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





