Ciidamada Difaaca Israel Defense Forces (IDF) ayaa soo saaray warbixin ku saabsan howlgalladooda, hal toddobaad kadib markii ay bilaabeen weerarro wadajir ah oo ay la fuliyeen United States oo ka dhan ah Iran.

Afhayeenka IDF, Effie Defrin, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay fuliyeen qiyaastii 3,400 weerar isla markaana ay naafeyeen in ka badan 150 nidaam oo difaac oo Iran leedahay.

Defrin wuxuu kaloo sheegay in Israa’iil ay ilaa hadda ku ridday Iran 7,500 oo hub iyo gantaallo (munitions).

Sida uu sheegay afhayeenku, Israa’iil waxay hadda u gudubtay wajiga xiga ee howlgalka, iyadoo ballaarinaysa weerarrada lagu beegsanayo goobaha muhiimka ah ee wax-soo-saarka ee nidaamka Iran.

Dhanka Lebanon, Defrin wuxuu sheegay in IDF ay weli beegsanayso xaafadda Dahieh ee magaalada Beirut, isla markaana ay raadinayaan dagaalyahannada Hezbollah oo ay burburinayaan xarumaha ay halkaas ka sameysteen.

Bbcsomali