
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa ku boorrisay xujeyda in ay ka fogaadaan saacadaha lagu degdegayo gudashada cibaadada Cumrada 10-ka dambe ee Ramadaan. Wasaaraddu waxay sagaal saacadood ku tilmaantay saacadaha ugu daran ee ay marag ka yihiin qul-qulka xujaajta iyo ciriiriga badan ee Masaajidka Xaramka si ay dadku u soo gutaan Cumrada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in laga bilaabo 4-ta galabnimo ilaa 10-ka duhurnimo iyo 5-ta subaxnimo ilaa 8-da subaxnimo uu jiro ciriiri aad u sarreeya, oo ku salaysan tilmaamayaasha taraafikada labada toddobaad ee ugu horreeya Ramadaanka.
Muddada laga bilaabo 11 p.m. ilaa 4 a.m. waa iska dhexdhexaad, halka muddada u dhaxaysa 8 subaxnimo ilaa 3 galabnimo ay dadku yar yihiin.
Ciidamada amaanka ayaa ku howlan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen inta ka harsan bisha Ramadaan si ay ula tacaalaan kororka la filayo inuu ku yimaado xujeyda iyo dadka ku cibaadeysanaya Masjidka Xaramka.





