Xaaladda deganaansho la’aan ah ayaa laga soo sheegayaa deegaannada ku dhaw Baydhabo, iyada oo shalay dagaal xoogan uu ku dhex maray ciidamada dowladda oo taageero ka helaya ciidamado deegaanka ah, iyo kooxda Alshabaab, halkas oo ay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay in ay kaga adkaadeyn Alshabaab, hadana uu deeganka Deynuunay ganacatooda ku jirto, ayna doonayaan in ay kaga sii gudbaan Baydhabo.
Waxaa la sheegayaa in ciidamada dowladdu ay ka ruqaansadeyn deegaanka Deynuunaay oo 30km u jira magaalada Baydhabo, lagana yaabo in halkaas markale ay kala kulmaan dagaallamayaal Alshabaab ah.
Baydhabo bannaankeeda waxaa difaac kaga jira ciidamo ka amar qaadanaya maamulka uu hogaaminayo Cabdicasiis Xasan laftagareen oo Sabtidii la sheegay in markale la doortay, inkasta oo dowladda federaalka ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadaas, ayna soo xirmeyn wada-hadalladii, dalkana uu aadayo doorasho qof iyo cod ah.
Dhanka kale, magaalooyin ay kamid yihiin Buurhakaba, Waajid, Xudur, Qansaxdheere, Bardaale iyo kuwa kale ayaa ka baxay gacanta Cabdicasiis Laftagareen, iyaga oo maamullada deegamadaas ay sheegeyn in ay u hogaansami doonaan amarrada dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhex-dhexaadin la waday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa meesha ka baxay.





