
Mac-hadka cilmi-baadhista ee Fmes-France Fondation Méditerranéenne d’Études Stratégiques) ayaa sheegay in aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo kor u qaadaysa mustaqbalka siyaasadeed, dhaqaale, amni, iyo ganacsi ee gobolka. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in arrintani ay tahay fursad cusub oo Somaliland siineyaysa awood ay ku ballaadhiso xidhiidhkeeda caalamiga ah, isla markaana ay kaga qayb gasho fagaarayaasha siyaasadeed ee dunida.
Warbixinta Cachadka Cilmibaadhista ee Méditerranéenne d’Études Stratégiques oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, waxa kale oo lagu sheegay in dawladda Israel, oo ah dal leh saameyn diblomaasiyadeed iyo mid amni oo caalami ah ay Somaliland siinayso fursad ay ku ballaadhiso xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo ka qayb-galka fagaarayaasha siyaasadeed ee dunida si ay u soo bandhigto muhiimadeeda istaraatiiji ah.
Fmes-France waxa kale oo ay xustay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, oo leh xeeb dheer oo istiraatiiji ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed, iyada oo xustay: “Dhanka juqraafi ahaan, Somaliland waxay leedahay xeeb dheer oo ku taal Gacanka Cadmeed, taas oo ka dhigaysa meel aad muhiim ugu ah ganacsiga iyo amniga Badda Cas.
Aqoonsiga Israel ayaa kordhinaya qiimaha dekedda Berbera iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, iyada oo uu jiro maalgashi hore oo ka yimid United Arab Emirates iyo xiisaha Ethiopia ee helitaanka marin badeed. Tani waxay Somaliland siinaysaa fursado waaweyn oo diblumaasiyadeed, koboc dhaqaale iyo door muuqda oo ay ka ciyaarto ganacsiga Geeska Afrika.”
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka faa’iidaysanayso xasiloonideeda siyaasadeed iyo hannaankeeda dawladnimo ee dimuqraadiga ah, si ay u hesho dabacsanaan siyaasadeed, taas oo u oggolaaneysa Somaliland inay sameyso heshiisyo istiraatiiji ah. Tallaabadan oo warbixintu iftiimisay in ay Somaliland ka dhigtay meel ay quwadaha caalamku ka heli karaan iskaashi iyo lamaane lagu kalsoonaan karo.
Saameynta dhabta ah ee Somaliland ma aha mid ku xiran aqoonsi sharci oo keliya, balse waa awoodda ay u leedahay inay kasbato saaxiibo istiraatiiji ah oo caalami ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujinaysa in saameynta dhabta ah ee Somaliland aanay ku xidhneyn aqoonsi sharciyeed oo keliya, balse ay ku saabsan tahay awoodda Somaliland ay u leedahay inay kasbato saaxiibo istaraatiiji ah iyo inay ka faa’iidaysato booskeeda juqraafiyeed. “Saameynta dhabta ah ee Somaliland maaha mid ku xidhan aqoonsi sharci oo keliya, balse waa awoodda ay u leedahay inay kasbato saaxiibo istiraatiiji ah oo caalami ah.”
“Xitaa haddii aqoonsiyo kale aanu si degdeg ah u iman, Somaliland waxay sii ahaan doontaa ciyaaryahan muhiim ah oo ka dhex muuqda tartanka Geeska Afrika,” ayaa lagu sheegay warbixinta Fmes-France. Waxaanay intaasi raacisay “Mustaqbalka dhow ee Somaliland ayaa u muuqda mid ifaya, iyadoo fursadaha diblumaasiyadeed ee hadda jiraa ay u oggolaanayaan in la xoojiyo iskaashiga amni iyo horumarinta xidhiidhada dhaqaale ee caalamiga ah.”
Ahmed M Saleebaan





