Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta mid ah “Xabbad-joojin jilicsan”, isagoo ugu baaqay Iiraan inay “niyad sami” ugu gorgortanto heshiis waqti dheer ah.

Isagoo ka hadlayay magaalada Budapest, halkaas oo uu ku taageerayay Ra’iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orbán ka hor doorashada qaranka ee dalkaas dhacaysa Axadda, Vance wuxuu sheegay in heshiis la gaari karo haddii “reer Iiraan ay diyaar u yihiin inay si niyad sami ah noola shaqeeyaan”.

Hase yeeshee, wuxuu uga digay haddii ay “ka horyimaadaan xitaa xabbad-joojintan jilicsan ee aan dhisnay, markaas ma farxi doonaan.”

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo dhexdhexaadinayay wadahadallada ayaa sheegay in Islamabad ay martigelin doonto wafuud ka kala socota Maraykanka iyo Iiraan maalinta Jimce ah “si looga sii gorgortamo heshiis kama dambeys ah oo lagu xallinayo dhammaan murannada jira.”

Waxaa jira warar ka soo baxaya warbaahinta Iiraan oo sheegaya in Vance uu hoggaamin doono wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan, balse weli kama aynaan maqalin wax xaqiijin ah oo dhanka Washington ka timid.

Bbcsomali