Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa soo gaaray dalka Pakistan, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay inay Islamabad u dirayaan ergeyda gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, maalinta Axadda ah, sababtoo ah Iiraaniyiintu waxay doonayeen inay u wada hadlaan “si fool-ka-fool ah”.
Hase yeeshee, fariin taas ka duwan ayaa ka soo baxday afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, Esmail Baqaei, kaas oo sheegay in Araghchi uu la kulmi doono oo kaliya “mas’uuliyiinta sare ee Pakistan”.
“Ma jiro kulan qorsheysan oo dhexmari doona Iiraan iyo Mareykanka. Aragtida Iiraan waxaa loo gudbin doonaa dalka Pakistan,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay inay mas’uuliyiintu wadahadal la leeyihiin “dadka hadda talada haya” ee Iiraan.
Wuxuu sheegay in Iiraan ay “soo bandhigeyso dalab, waana inaan eegnaa,” balse uusan weli ogeyn waxa uu dalabkaasi yahay.
Amniga ayaa aad loo adkeeyey guud ahaan magaalada Islamabad, iyadoo la xiray waddooyinka waaweyn, lana joojiyay gaadiidka dadweynaha, xilli ay Pakistan u diyaargarowday inay martigeliso wareegga labaad ee wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo





