
Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa dhaleeceeyay istaraatiijiyada Mareykanka ee dagaalka uu kula jiro Iran, isagoo sheegay inuusan u arkin waddo ay Washington ku xalin karto khilaafka, “ayna hugaamiyaasha Iran ku bahdilayaan Maraykanka”.
Merz ayaa hadalkan ka sheegay Isniintii kulan uu ardayda kula yeeshay magaalada Marsberg, halkaas oo uu ku sheegay in Iraniyiintu ay “sida iska cad u wada xaajoonayaan si xirfad leh” ayna “si cad uga xoog badan yihiin sidii markii hore loo malaynayay.”
“Way caddahay in Maraykanku uusan lahayn istaraatiijiyad, dhibaatada colaadaha noocan oo kale ah mar walba kuma filna inaad gasho oo kaliya, sidoo kale waa inaad ka baxdaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.
“Waxaan daawanaynay si xanuun badan Afgaanistaan, muddo 20 sano ah. Waxaan aragnay Ciraaq. Markaa dhammaantood si xun ayaa loo jaan gooyay dagaaladaas oo isil hadii aan sida ugu fudud u dhifo. Hadda, ma arko hab istiraatiiji ah ee Maraykanku wax u dooranayo, gaar ahaan maadaama Iraniyiintu ay si cad u gorgortamayaan oo waliba xirfad leh, waxa ay u aqbaleen in Maraykanku markale kula hadlo Islamabad waa in natiijo xumo mar kale lala soo noqdo,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa 28-kii bishii Febaraayo waxa ay qaadeen weerar millatari oo baaxad leh, taas oo keentay in xukuumadda Tehran ay jawaab ka bixiso dagaalka taa oo ay garaacday dhulka Israa’iil iyo dalalka kale oo Bariga Dhexe ah. Isku dhacu wuxuu gaaray xiritaanka marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga saliida Gacanka Faaris.
In kasta oo Maraykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad-joojin billaabatay 8-dii Abriil, wada-hadallada Pakistan ay dhexdhexaadinaysay ee Islamabad, oo la doonayay in lagu gaaro heshiis kama-dambays ah, ayaa hakad galay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Khilaafkan ayaa saameeyay dalalka sida tooska ah ugu tiirsan saliidda Khaliijka, balse waxa uu sidoo kale sare u qaaday qiimaha tamarta adduunka oo dhan, sida Jarmalka iyo dalal badan oo Yurub ah.
Sida uu sheegay Merz, qaabka ay madaxda Iran uga faa’iidaysteen xaaladdooda ayaa bannaanka soo dhigtay istiraatijiyadda liidata ee Maraykanka.
Iraniyiintu waa ka adag yihiin sidii loo maleynayay’
Marka la eego xaaladda hadda jirta, Merz waxa uu sheegay in Maraykanku aanu lahayn istaraatiijiyad wanaagsan, isla markaana aanu madaxweyne Donald Trump ku xisaabtamin xulafadiisa Yurub.
“Anaga, reer Yurub ahaan, waxaan soo jeedinay – waxaana niri waxaan diyaar u nahay – si aan gacan uga geysanno dib u furista marinka Hormuz ka dib dhamaadka wada xaajoodka. Waxaan u soo bandhignay inaan u dirno nidmaamka miino baarista Jarmalka si ay uga caawiyaan marinka nadiifinta miinooyinka, ugu yaraan qayb ahaan, miinooyinka. Waan ku caawin karnaa taas, laakiin marka hore waa in dagaalku joogsado, “ayuu u sheegay humaamiyuhu ardayda Marsberg.
“Xilligan la joogo ma arko sida tan lagu gaari karo mustaqbalka dhow, sababtoo ah Iraniyiintu waxay si cad uga xoog badan yihiin sidii hore loogu maleynayay, Maraykankuna waxay si cad ugu muuqdaan inaanay haysan istaraatiijiyad gorgortan oo lagu qanci karo. Waan ka xumahay inaan sheego, laakiin, hadda, waa xaalad aad u adag,” ayuu raaciyay.
Hoggaamiyaha Jarmalku waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in colaadda Bariga Dhexe ay dhabar-jab ku tahay dhaqaalaha dalkiisa, taas oo ay sabab u tahay kororka kharashka tamarta, waxaanu sheegay in dagaalka “sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjaro.
Si kastaba ha ahaatee, dadaallada diblomaasiyadeed ee Islamabad ayaa hakad galay in kasta oo Trump uu kordhiyay xabbad joojinta, taasoo ku ekayd Abriil 22, si loogu oggolaado wadahadallada inay sii socdaan.
Sabtidii, madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay safarkii saraakiisha Mareykanka ay ku tagi lahaayeen Pakistan si ay wadahadal ula yeeshaan Iran, wax yar ka dib markii wafdiga Tehran ay ka dhoofeen caasimadda Pakistan.
Trump waxa uu sheegay in ay “luminayaan waqti aad u badan” waxa uuna intaa ku daray in hadii Iran ay doonayso in ay la hadasho Maraykanka “ay tahay in ay wacaan”.





