







Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, ayaa maanta ka qayb galay Munaasibadda Saxeexa Rasmiga ah ee Qandaraaska dhismaha Waddada isku xidhi doonta Lowyacado iyo Borama oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada JSL.
Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasibadda ka jeediyey hadal ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee mashruucani u leeyahay dalka, isaga oo xusay in jidkani uu door weyn ka qaadan doono koboca dhaqaalaha, fududaynta isu socodka ganacsiga, xoojinta amniga iyo dardargelinta horumarka bulshada ee Gobollada Galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu sidoo kale tilmaamay in waddadani ay kor u qaadi doonto isku xidhka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee Somaliland iyo waddamada jaarka, taas oo fure u noqon karta horumar waara iyo isku socod gobolka oo dhan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si weyn u bogaadiyey Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mareeyaha Hay’adda Jidadka iyo khubarada ka soo shaqaysay in maanta si rasmi ah loo saxeexo Qandaraaska dhismaha waddada isku xidhi doonta Lowyacado iyo Borama, isaga oo Shirkadaha ku guulaystay kula dardaarmay in ay waajibka saaran iyo shaqadooda u gutaan si xilkasnimo leh.





