Wabixin caalami ah oo ay baahisay warbaahinta Horn and Red Sea News ayaa muujisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay awood cusub oo ka jirta Geeska Afrika, iyo xaqiiqo cad oo adduunku aanu maanta iska idhotiri karin, kadib 35 sannadood oo ay Somaliland ku tallaabsatay, dimuquraadiyad, xasilooni iyo horumar muuqada.
Sidoo kale warbxinta oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, waxa lagu xusay in Somaliland oo ah dal madax-banaan oo 35 sanno jirsaday uu tusaale u noqday xasillooni iyo horumar ka duwan inta badan waddamada Geeska Afrika, sidoo kale waxay iftiimisay in Somaliland ay hirgelisay nidaam dawladeed oo casri ah, doorashooyin daah-furan oo dimuqruaadi ah, sugidda amniga xuduudaha dalka, iyo hay’ado shaqeynaya oo bixiya adeegyo aasaasi ah, taasoo ka dhigtay awoodda istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in tallaabadii geesinamada lahady ee ay dawladda Israa’iil ku aqoonsatay qarankan dimuquraadiga ah 26 December 2025, ay ahayd guul diblumaasiyadeed oo albaabada u furtay iskaashi dhaqaale iyo fursado caalami ah, iyadoo sahashay gelitaanka hay’adaha caalamiga ah iyo maalgashiga, sidoo kale waxay abuurtay horumar si toos ah u saameysa dhaqaalaha iyo maamulka dalka.
“Somaliland waxay dib u qaabaysay khariidadda Badda Cas, waxaanay noqotay udub-dhexaadka isu socodka maraakiibta. Hoggaanka Madaxweyne Cirro wuxuu xoogga saarayaa ganacsi, amni, iyo sharci, waxaanu meesha ka saaray su’aashii “miyey jirtaa Somaliland?” waxaanu u beddelay ilaa xadkee ayay saamaynteedu gaadhi kartaa?”
Sida lagu soo gunaanaday warbixintan, Somaliland 2026 waxay u taagan tahay awood istiraatiijiyadeed oo gobolka Geeska Afrika ah. Xasilloonideeda, horumarka dekedda Berbera, iskaashiga caalamiga ah, iyo awood ciidamadeeda ayaa bedelay khariidadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.





