Tirada dhimashada xanuun ka dilaacay dal ay Soomaalidu ka ganacsato oo gaartay sagaashan

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqday in dillaaca Ebola ee ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) uu yahay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in dillaacani uusan buuxin shuruudaha loo aqoonsado faafitaan caalami ah.

Ku dhowaad sagaashan qof ayaa ilaa hadda u geeriyooday, khubarada caafimaadkuna waxay ka digeen in nooca fayraskan uu leeyahay heer dhimasho oo aad u sarreeya.

Wasiirka caafimaadka DRC, Samuel-Roger Kamba, ayaa sheegay in aan la helin tallaal ama daawo gaar ah oo lagu daweeyo.

Waxa uu intaa ku daray in dad badan oo dhintay aysan raadsan daryeel caafimaad oo rasmi ah, balse ay taa beddelkeeda tageen goobaha cibaadada si ay gargaar u helaan.