“Somalia ayaa diidday in diyaaraddii aan saarnaa in ay isticmaasho hawadeeda iyada oo ku sii jeedda Hargeysa, waana caqabad aan la kulmay intii aanan Hargeysa ka degin” Lord Ashcroft,

Lord Ashcroft, oo ah Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Xisbiga Muxaafidka ah ee conservative ee Ingiriiska, ahna ganacsade oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland ayaa sheegay inuu ku arkay waxyaabo badan oo yaab geliyey oo shacabka iyo Dawladda Somaliland qabsadeen.
Lord Ashcroft, oo qoraal dheer ka qoray socdaalkii uu ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Somaliland maalmihii u dambeeyay Somaliland dib ugu soo laabatay fagaaraha caalamiga ah, ka dib aqoonsigii Isreal.

Wixii iigu yaabka badnaa markii aan imid ma ahayn oo keliya himilada Somaliland, balse waxay ahayd heerka ay durba u dhistay qaab-dhismeed dowladeed oo shaqeeya.
Somaliland maanta waxay leedahay ciidan u gaar ah, ilaalada xeebaha, boolis, sirdoon iyo ciidamo xabsi ilaalin ah. Si ka duwan qaybo badan oo Soomaaliya ah, Somaliland ma noqon meel ku habboon kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah.
“Farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya lafteeda waa mid adag in la iska indho tiro. Iyadoo balaayiin dollar oo gargaar caalami ahi ay siiyo Muqdisho, laakiin Somaliland inta badan waxaa lagu daayay inay isku tashato.” Ayuu yidhi Lord Ashcroft, isaga oo intaas raaciyey “Hase yeeshee waxay weli ku guuleysatay inay dhisto nidaam iyo amni, gudaha dalka iyo xuduudda ay la wadaagto Itoobiya, taas oo ka caawisay xakamaynta dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee gobolka ka shaqeeya.”

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Xisbiga Muxaafidka ah ee conservative ee Ingiriiska Lord Ashcroft, waxa uu sheegay in tegitaankii Somaliland uu caqabad kala kulmay Somalia oo u diiday

“Anigoo doonaya inaan arrimahan indhahayga ku arko, ayaan bishan u safray Somaliland. Somalia ayaa diidday in diyaaraddii aan saarnaa ay isticmaasho hawadeeda iyadoo ku sii jeedda Hargeysa. Inkastoo Somaliland si buuxda isu maamusho, haddana Soomaaliya ayaa weli si rasmi ah gacanta ugu haysa hawada ku hareeraysan. Waxay ahayd tusaale cad oo muujinaya caqabadda ugu weyn ee Somaliland maanta haysata” Ayuu yidhi

Lord Ashcroft, waxa uu xusay in ay shacabka iyo Dawladda Somaliland ka niyad jabsan yihiin sida Dawladda Ingiriisku uga gaabisay qadiyada Somaliland “Waxaa sidoo kale jira niyad-jab aamusnaan ku dheehan tahay oo ay hoggaanka Somaliland ka qabaan Ingiriiska.

Maadaama Britain ay Somaliland siisay madax-bannaani sanadkii 1960 ka hor intii aanay si ikhtiyaari ah ula midoobin Soomaaliya maalmo kadib, Somalilanders badan waxay aaminsan yihiin in UK-ga uu yahay dalka ugu fiican ee fahmi kara doodda taariikhiga ah ee Somaliland.” ayuu intaas sii raaciyey Ashcroft

Saleebaan Saxansaxo