











๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐ข๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah u daah-furay Machadka Caalamiga ah ee Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland (๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ป๐ฑ๐ฒ๐ฝ๐ฒ๐ป๐ฑ๐ฒ๐ป๐ฐ๐ฒ ๐ฅ๐ฒ๐ฐ๐ผ๐ด๐ป๐ถ๐๐ถ๐ผ๐ป ๐๐ป๐๐๐ถ๐๐๐๐ถ๐ผ๐ป), oo ah Xarun Cilmi-baadhis iyo Diblomaasiyadeed oo heer Caalami ah oo lagu xoojinayo Doodaha sharci, Taariikheed, Siyaasadeed iyo xaqa aaya-ka-tashiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in furitaanka Machadkani uu muujinayo bisaylka Dawladnimada Somaliland iyo sida ay Shacabka Somaliland uga goโan tahay ilaalinta Madaxbannaanidooda iyo xaqiijinta himilada aqoonsi buuxa oo caalami ah.
Waxa uu xusay in Machadku uu door weyn ka qaadan doono Cilmi-baadhista, faafinta iyo kaydinta Sooyaalka Sharci iyo taariikheed ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu noqon doono Madal isku xidha Aqoonyahanka, Taariikh-yahanka, Sharci-yaqaannada, Diblomaasiyiinta iyo saaxiibbada Somaliland ee Dunida.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tilmaamay in Machadkani uu gacan ka geysan doono xoojinta doodaha aqoonsi raadiska, horumarinta daraasadaha la xidhiidha nabadda iyo dawlad-dhiska, kobcinta xidhiidhka Hayโadaha Caalamiga ah, iyo Wacyi-gelinta Jiilasha cusub ee ku saabsan qiimaha Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo ka badan 35 sano ku naaloonaysay nabad, kala dambayn, horumar Dimuqraadiyad, iyo Dawladnimo shaqaynaysa, taas oo uu sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland siinayso xaq Sharci iyo mudnaan ay kaga mid noqon karto Beesha Caalamka.





