Qarax ka dhacay New York goob lagu dayactiro maraakiibta iyo khasaaro ak dhashay
Hal qof ayaa dhintay, halka 36 kale ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob dayactirka maraakiibtaee Staten Island, magaalada New York.
Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxu dhacay maalintii Jimcaha xilli dab-demiska ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo la tacaalayay dabka isla markaana isku dayayay inay badbaadiyaan laba qof oo ku xannibnaa gudaha.
Laba ka mid ah shaqaalaha dab-demiska ayaa sidoo kale la dhigay isbitaal, oo uu ku jiro kormeere waaxda dab-demiska ah oo soo gaaray dhaawac madaxa ah , waxaana lagu xiray qalabka neefsashada, sida ay saraakiishu sheegeen.
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah shaqaalaha dab-damiska uu weli ku jiro xaalad halis ah, balse ay muuqdaan calaamado muujinaya inuu soo kabanayo.





