Warbixin caalami ah oo ay baahisay Horn Vision ayaa soo bandhigtay dareenka sii xoogaysanaya iyo xiisaha caalamiga ah ee loo hayo xasilloonida iyo dimoqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in Somaliland, oo ah dal nabdoon oo ku yaalla Geeska Afrika, ay indhaha caalamka ku soo jiidatay muhiimadda istiraatiijiga ah ee goobta juquraafiyeed ee ay ku taallo, arrimahaasi oo ku qasbaya quwadaha reer Galbeedka inay dib u eegaan siyaasaddooda ku aaddan aqoonsiga Somaliland.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in qadiyadda Somaliland ay noqotay mowduuc caalami ah oo si weyn uga dhex muuqda doodaha diblomaasiyadeed ee quwadaha reer Galbeedka. Xilli Geeska Afrika uu galay marxalad cusub oo si weyn u bedeshay isu dheelitirka awoodaha gobolka, Sida lagu sheegay warbixinta arrimahaasi ayaa keentay cadaadis sii kordhaya oo saaran Mareykanka (US) iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK) kaas oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale, warbixinta Horn Vision oo Wargeyska DAWAN soo xigtay, waxay si qoto-dheer u falanqaysay muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland u leedahay amniga gobolka, marinnada ganacsiga caalamiga ah, iyo saamaynta cusub ee isbeddellada diblomaasiyadeed iyo juquraafi-siyaasadeed ee ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah. Arrimahan ayaa lagu tilmaamay tallaabooyin istiraatiiji ah oo u gogol-xaadhaya isbeddelka khariiradda mustaqbalka Geeska Afrika.
Warbixintu waxay xustay in: “Goobta ay ku taallo Somaliland, oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, oo ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida, waxay siinaysaa awood ay ku maamusho qayb muhiim ah oo xeebta ah. Maalin kasta, kumannaan maraakiib ah ayaa isaga gudba, iyagoo xambaarsan badeecooyin u kala goosha Aasiya, Yurub, iyo Afrika, taasoo ka dhigaysa xeebaha Somaliland meel udub-dhexaad u ah ganacsiga caalamiga ah iyo amniga badda. Dhulkan wuxuu u adeegaa sidii marin u dhexeeya Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, taasoo ka dhigaysa Somaliland xidid muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.”
Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaantay: “Si ka duwan deriskeeda, Somaliland waxay dhistay sumcad caalami ah, gaar ahaan dhinacyada nabadda, maamul-wanaagga, iyo dimoqraadiyadda, taasoo soo jiidatay xiisaha caalamiga ah. Doorashooyinkeeda joogtada ah, hay’adaha shaqaynaya, iyo deggenaanshaheeda ka duwan dalalka deriskeeda ayaa ka dhigay tusaalaha xasilloonida Geeska Afrika, iyada oo gobolka intiisa badan lala xidhiidhiyo rabshado iyo xasillooni-darro siyaasadeed.”





