TURKIGU WAA MAAFIYA NIDAAMSAN OO QABSATAY CAASIMADDII SOMALIYA.
Turkigu dhammaan laamihii kala duwanaa ee soomaaliya si farsamaysan ayuu ku hantiyay isagoo ka faa’iidaystay dayaca ku dhacay laamaha wax soo saarka ee maamulka xamar.
Turkigu wuxuu gacanta ku hayaa meelo muhiima oo uu ka soo baxo dhaqaale ka badan baahida maamulka xamar, wuxuu gacanta ku hayaa madaarka xamar, dhaqtarada waaweyn dekadda iwm.
Madaarka laba shirkadood oo turkiya ayaa dakhliga soo gala gacanta ku haya oo uruuriya doollarka cashuurta iyo adeegyada kala duwan dhaqtarada waaweyn iyo meelo kalena iyagaa uruuriya LACAGTA turkigu, saddexdii biloodba lacag gaadhaysa ilaa 300milyan ayaa shandado lagu soo qaadaa oo laga saaraa madaarka Turkish Airline waxa maamula qorhshaha lacag rarista ambasadorka turkiga oo yimaadda madaarka ilaa intay kacayso diyaaraddu.
Lacagta waxay ku sheegeen inay tahay tii lagu dhisay madaarka iyo dhaqtarada madaarku waa magac u yaal waa bakhaar weyn (war house) aan u eekayn madaar caasimadeed lacagta gashayna tay gurteen ayaa ka badan.
Dhaqankani waa mid ugub ku ah caalamka oo laga xishoodo in ummad dayacan khayraadkoodii iyo hantidoodii badheedh loo gurto, arrinkan waxa masuul ka ah xasan shiikh oo u fasaxay dalka sidaas awgeed ummaddu waa inay ka gilgilataa maafiyada cusub.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.





