Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa magaalada Berbera si rasmi ah uga dhagax-dhigay mashruuc cusub oo horumarineed oo lagu ballaadhinayo adeegga korontada magaalada. Mashruucan ayaa awood u leh awood dhan 12MWp oo soo saarista korontada ah, waxaana sidoo kale ku jira 70MWh oo ah baytariyada loogu talo-galay kaydinta iyo qaybinta tamarta, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadanaya joogtaynta iyo tayada adeegga korontada.

Mashruuca oo qiimihiisu dhan yahay 24 milyan oo dollar waxaa si weyn uga faa’iideysan doona bulshada gobolka, gaar ahaan shacabka magaalada Berbera. Sidoo kale mashruucan ayaa ah mid si weyn uga tarjumaysa balanqaadyadii Madaxweynaha Somaliland iyo dedaaladda joogtadda ah ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad ku wajahan horumarinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan tayaynta adeegga korontada iyo tamarta ee Magaalada Berbera.

Wasiir Axmed Barre oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in Berbera ay si tartiib tartiib ah ugu socoto inay noqoto xarunta ganacsiga ee dalka, isagoo xusay in siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro ay xoogga saarayso soo jiidashada maalgelin caalami ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in maalgashadayaal badan ay danaynayaan inay ka hawlgalaan Somaliland, gaar ahaan Berbera, maadaama ay tahay meel istiraatiiji ah oo ganacsi.

“Berbera waxay noqonaysaa xarunta ganacsiga ee dalka. Siyaasadda Madaxweynuhu waxay ku dhisan tahay in maalgelin ballaadhan dalka la keeno. Maalgashadayaal iyo shirkado badan ayaa danaynaya Somaliland, gaar ahaan Berbera. Dowladda Somaliland way garab taagan tahay cid kasta oo maalgelinaysa tamarta la cusboonaysiin karo, waanuna dhiirrigelinaynaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hore xadhiga uga jaray mashruuc ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegga korontada Magaalada Barbera, kaas oo uu dhagax-dhigay sannadkii ugu horreeyay muddo xileedkiisa. Mashruucaas oo ka mid ahaa ballanqaadyadii hirgalay ayaa noqday tiir muhiim ah oo wax weyn ka taray tayada adeega Tamarta, isla markaana wax badan ka taray hoos u dhigista ku-tiirsanaanta shidaalka iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada aasaasiga ah.

Guud ahaan, mashruucan ayaa ah tallaabo si cad u iftiiminaysa jihada cusub ee horumarinta dalka, iyo dedaalada joogtada ah ee xukuumadda Somaliland, taas oo isku xidhaysa tamar nadiif ah, maalgashi. Iyada oo si weyn u sii xoogaysanayo doorka magaalada Berbera oo ah xarun istiraatiiji ah oo ganacsi iyo marin muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka ah. Sidaa darteed, mashruucan tamarta ayaa lagu tilmaami karaa mid si toos ah u taageeraya himilada ah in magaalada ay noqoto xarunta ganacsiga Somaliland, isla markaana ay soo jiidato maalgashi caalami ah oo sii kordhaya.