
Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee xukuumaddii hore Dr Ciise Kayd ayàa maanta si rasmi ah uga mid noqday golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland
Dr Ciise Kayd ayaa ahaa suge xildhibaan golaha wakiilada kadib markii uu cod yar ku hadhay doorashadiibgolaha wakiiladda ee ugu danbaysay sanadkii 2021kii, jagadan hada banaanatay ayaa waxa baneeyay xildhibaan Barkhad Batuun oo madaxweyne Cirro uu dhawaan u magacaabay wasiirka warfaafinta ee Somaliland.

Isla maanta ayaa Dr Ciise Kayd uu gudoomyaha maxkamadda sare uu u dhaariyay in uu buuxiyo jagadda xildhibaanimo ee golaha wakiilada gaar ahaana xisbiga Waddani.
Dhanka kalena mar uu Dr Ciise Kayd warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in markii horeba ahaa Waddani hadana uu yahay xildhibaan ka tirsan xisbiga Waddani.
Waxa uu xildhibaanku uu xusay in madaxweynahii hore ee Somaliland uu u magacaabay xil weyn oo mihiim ah taasna uu aad ugu amaanay madaxweynahii hore ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.
Waxa aan u dhaartay in aan noqon doono xildhibaan dadkiisa iyo dalkiisaba u shaqayn doona wana aan soo dhawaynayaa cid kasta oo ay wada shaqayni naga dhaxayso.





