Waxaa khatar weyn ku jira geedaha malmalka iyo luubaanka ama fooxa ee Somaliland ka dib markii ay bateen howlaha dahab qodista oo dad badan ay u go’een.
“Hadiyaddii dahabka, luubaanka iyo malmalka ahayd ee ay nabi ciise (CS) markii uu dhashay u geeyeen saddex nin oo caaqiliin ah waxaa laga qaaday halkan,” ayuu yiri nin oday ah oo hoos fadhiyay geed.
Waxa aan Aadan Xasan Saalax kula kulmay buurta Daallo oo ah qeyb ka mid ah buuraha Golis oo ku taala Somaliland.
“Waddooyinkii loo isticmaali jiray gaadiidka geela ee ilaa bariga dhexe gaari jiray ee qarniyo ka hor ayaa waxaa laga arki karaa halkan,” ayuu yiri Aadan.





