Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay taariikhda halgankii Somaliland ee ku suntan dhammaadka bishan May.

Sidaana waxa uu Muuse Biixi ku sheegay qoraalkan uu saaka soo saaray;
“Dhammaadka bishan May waxay astaan u tahay halgankii, naf-hurnimadii iyo geesinimadii ay muujiyeen halgamayaashii SNM iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. 27-kii May 1988-kii, magaalada Burco waxaa ka billowday dagaal xooggan kadib markii ciidamada SNM gudaha u galeen magaalada. 29-kii May 1988-kii, cutubyo ka tirsan SNM ayaa ku waabariistay magaalada Cadaadley, iyagoo dagaal culus kadib la wareegay gacan ku haynteeda.

Halka 31-kii May 1988-kii, ciidamada SNM ay waaberigii soo galeen magaalada Hargeysa.

Dawladdii xilligaas jirtay waxay adeegsatay dhammaan awooddii ciidan ee ay haysatay, oo ay ka mid ahaayeen diyaarado dagaal, madaafiic, taangiyo iyo hub culus oo kala duwan.

Dagaallada iyo duqaymuhu waxay socdeen ku dhawaad afar iyo toddobaatan (74) maalmood, iyaga oo sababay burbur baahsan oo gaadhay in ka badan boqolkiiba toddobaatan (70%) dhismayaashii magaalada Hargeysa.

Warbaahintii caalamku magaalada Hargeysa waxay ku tilmaameen “Bombing of Dresden, 1945”, oo ah magaalo ku taalla dalka Jarmalka oo si weyn loo burburiyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka (World War II), waxayna noqotay dhacdo caan-baxday oo diiwaanka gashay.

Waxaa la qiyaasaa in ku dhawaad konton kun oo qof (50,000) ay ku naf waayeen dagaalladaa iyo duqaymahaa, halka dhaawacuna uu gaadhay ilaa boqol iyo konton kun oo qof (150,000). Sidoo kale, in badan oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ah ayaa noqday qaxoonti iyo barakac, kuwaas oo ka badan boqolkiiba toddobaatan (70%) guud ahaan shacabka.

Ugu dambayn, halgankaasi wuxuu ku dhammaaday guul ay gaadheen halgamayaashii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM iyo la soo noqoshadii madaxbannaanidii Jamhuuriyadda Somaliland.

Alle SWT ha u naxariisto dhammaan halgamayaashii xaq-u-dirirka ahaa ee ku shahiiday halgankaa iyo shacabkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay, dhammaantoodna Jannatul Firdowsa Alle SWT ha ka waraabiyo.

“Gobannimadu waa geed ku baxa dhiigga geesiga” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee JSL Muuse Biixi Cabdi.