Dawladda Turkigu waxa ay mudooyinkii danbe ay qalab malatari iyo hub aad u faro badan ay ku soo guraysay magaaladda Muqdisho iyada oo hubkaasi gacanta u galisay xukuumadda uu wakhtigeedu uu dhacay ee Xasan Sheekh. Hadaba baabuurkani Tiknikada ah ayaa xalay waxa watay ciidamada Xaaan Sheekh oo ku garaacàayay xaafado ka mid ah magaaladda Muqdisho gaadhigaasi ayay iskaga yaaceen markii uu shiidaal beelay.

Waxa iyana jira baabuurta dagaalka oo ay ciidamada mucaaridku gubeen

Arinka mucjisda ahi waxa uu yahay in ciidamada dawladda iyo kuwa mucaaridka ahiba ay wataan hubkii uu Turkigu keenay magaaladda Muqdisho taasi oo la odhan karo qayb ayay ka tahay dawladda Turkigu colaada ka aloosan Muqdisho.

Wixii shicib ah ee lagu wax leeyeeyay hubkan uu Turkigu uu bixiyay waxa ka masuul ah dawladda Turkiga