Cummaan ayaa ku dhawaaqday inay la shaqeysay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) si loo sameeyo marin badeed ku meel gaar ah, taas oo sahleysa in maraakiibtu ka gudbaan Marinka Hormuz.

Wakaaladda wararka dowladda Cummaan ayaa sheegtay in maraakiibta doonaysa inay maraan Marinka Hormuz ay tahay inay sameeyaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah iyagoo la xidhiidhaya Ururka Caalamiga ah ee Badaha iyo mas’uuliyiinta Cummaan.

Warkan ayaa yimid saacado kadib markii Mohammad Baqer Qalibaf, oo hoggaaminayay wafdiga diblomaasiyadeed ee Iiraan, uu booqday dalkaas. Waxa kale oo uu yimid kadib markii Iiraan iyo Cummaan ay Talaadadii bayaan wadajir ah ku sheegeen inay ka go’an tahay ilaalinta Marinka Hormuz si uu u ahaado marin-biyood ammaan ah oo u furan maraakiibta caalamiga ah, iyagoo isla markaasna adkeeyay madaxbannaanidooda iyo xuquuqdooda qaran ee ku saabsan biyaha Marinka Hormuz.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay baari doonaan sida mustaqbalka loo maamuli doono Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo marin-biyoodkan, iyagoo sameynaya guddi wadajir ah.

Bayaankan ayaa la soo saaray kadib kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka kala socday labada dal oo ka dhacay caasimadda Muscat.

Kadib markii ay ka soo baxeen Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, madaxa kooxda wada-xaajoodka Iiraan, iyo Abbas Araqchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, waxay aadeen Cummaan, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Busaidi iyo Suldaanka Cummaan Haitham bin Tariq.

Talaadadii, Ururka Caalamiga ah ee Badaha, oo ah hay’ad hoos tagta Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqay bilowga geeddi-socodka dib loogu celinayo in ka badan 11,000 oo badmaaxiin ah oo ku xayirnaa Marinka Hormuz; badmaaxiinta ayaa ku go’doonsanaa gobolka tan iyo dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan iyo xaddidaaddii lagu soo rogay isu socodka Marinka Hormuz.

Ururka Caalamiga ah ee Badaha ayaa sheegay in hawlgalka samatabixinta badmaaxiintan loo fulin doono si dhow oo iskaashi ah, iyadoo lala kaashanayo dhammaan dalalka gobolka iyo Mareykanka.

Bbc somali