Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL kulan kula yeeshay Safiir Ku-xigeenka Dawladda Federaalka Jarmalka Marwo Katrin Josten, oo booqasho rasmi ah ku timid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada, Safiirka Idman ee u fadhiya Israa’iil, Afhayeenka Madaxweynaha JSL, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Xoghayaha Madaxweyne ku-xigeenka.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Jarmalka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha nolosha bulshada, oo ay ka mid yihiin biyaha, waxbarashada, beeraha iyo waddooyinka.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha waxa uu Safiir Ku-xigeenka uga mahad naqay taageerada soo jireenka ah ee ay Dawladda Jarmalku muddada dheer u fidinaysay Somaliland, isaga oo xusay in iskaashiga labada dhinac uu door muuqda ka qaatay horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadista fursadaha horumarineed ee bulshada JSL, gaar ahaan dhinacyada Biyaha, Waxbarashada, Beeraha iyo waddooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ku-xigeenka Safiirka Jarmalka la wadaagay doorka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xagga amniga, xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo nabad ku wada noolaanshaha shucuubta gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay marxaladda cusub ee ay gashay Jamhuuriyadda Somaliland iyo mawqifkeeda ay xaqa u leedahay ee aan ka noqoshada lahayn ee ku aaddan ictiraaf raadinta iyo la-macaamilka Beesha Caalamka.

Dhankeeda, Safiir Ku-xigeenka Dawladda Jarmalka ayaa Somaliland ku bogaadisay nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hana-qaaday dalka, iyada oo adkaysay sida ay Dawladdeeda uga go’an tahay sii wadista iyo xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan mashaariicda saamaynta tooska ah ku leh horumarka iyo nolosha bulshada Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Jarmalka.