Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI ayaa fiidnimadii xalay ka qabsomay Xarunta Xisbiga WADDANI, kaas oo ay ka soo qayb galeen badi xubnaha Guddida Fulinta Xisbigu iyo Hoggaanka sare Xisbiga.

Shirkan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa waxa lagu lafo-guray xaaladda guud ee dalka iyo ta xisbiga-ba, qaban-qaabada shirka Golaha Dhexe ee xisbiga oo muddaysan in uu 30-ka bishan ka qabsoomo magaaladda Hargeysa, sida oo kale intii uu shirku socday waxa bandhig iyo lafagur lagu sameeyey Mabaadiโ€™da Siyaasadeed ee xisbiga (Political Ideology).

Ugu horrayn, guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, mudane Xirsi Cali X. Xasan, ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo taabtay safarkii guusha taariikhiga ah keenay ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhawaan kaga soo laabtay dalka Israaโ€™iil. Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa Guddida warbixin ka siiyay xaaladda xisbiga iyo halka uu ay marayaan qorshayaashii dib u habayn iyo dardar-galinta xisbigu.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, mudane Cismaan Ibraahin Nuur (Afgaab) ayaa isna Guddida warbixin ka siiyay halka ay marayso qaban-qaabada shirka Golaha Dhexe oo la filayo in maalinta Salaasada ee toddobaadkan ka qabsoomo Hotel Maansoor, isaga oo tilmaamay in si habsami leh u socdaan hawlaha qaban-qaabadu, badi kaadhadhkii Golaha Dhexe-na ay xubnuhu qaateen, diyaar-garowgiina meel gebo-gabo ah marayo.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan, oo hadalka ku soo laabtay, ayaa xubnaha Gudidda Fulinta faahfaahin qoto dheer ka siiyey Mabaadiโ€™da Siyaasiga ah (Political Ideology) iyo nuxurka dedaallo muddo dheer soo taxnaa, oo maxsuulkoodii bulshada Xisbigu kula wadaagay kulan dadweyn oo dood-cilmiyed ah oo ka dhacay Casood Hotel, kaas oo xisbiga ka dhigay Xisbigii u horreeyey dalka ee koo bandhiga aragti iyo mabaadโ€™ siyaasi ah, halkaas oo dadweynihii xog-ururin lagaga qaaday, aragtidoodiina ay xisbiga ku biiriyeen.

Dood iyo falanqayn dheer oo dhex martay xubnaha Gudidda Fulinta xisbiga ka dib, waxa cod gacan taag ah loo qaaday mabdโ€™a siyaasiga ah ee xisbiga summadda iyo baadi-soocda u noqonaya, iyada oo cod aqlabiyad ah xubnaha Gudidda Fulintu ku ansixiyeen, isla markaana u gudbaysa Golaha Dhexe oo halkaa xubnaha Golaha loogu soo bandhigi doono.