
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale caddeeyey muhiimadda ay Xukuumaddiisu siinayso horumarinta nidaamka garsoorka, xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo dhismaha hay’ado caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay. Furitaanka Shirweynaha 10-aad ee Garsoorka Heer Qaran ee Somaliland iyo farriinta uu Madaxweynuhu ka jeediyey munaasabaddaas waxay si cad u muujinayaan in dhismaha garsoor madax-bannaan, hufan oo dhexdhexaad ahi uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee horumarinta qaranka.
Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sidoo kale muujiyey faham qoto dheer oo ku aaddan in garsoor lagu kalsoon yahay aanu ku koobnayn oo keliya xallinta khilaafaadka, balse uu yahay hay’ad laf-dhabar u ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, sugidda ku dhaqanka sharciga iyo kobcinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha qaranka. Sidaa awgeed, xoojinta madax-bannaanida garsoorka iyo wada-shaqaynta saddexda dhadhaar ee qaranku waxay saldhig u yihiin dhismaha dawladnimo casri ah oo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo sharci.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay taageeridda bahda garsoorka, gaar ahaan daryeelka, ammaanka iyo xaaladda nololeed ee garsoorayaasha, si ay waajibaadkooda ugu gutaan madax-bannaani iyo hufnaan. Waxa uu tilmaamay in ilaalinta amniga iyo nolosha garsoorayaashu ay qayb muhiim ah ka tahay xaqiijinta caddaalad dhab ah iyo sare u qaadista kalsoonida bulshada ee hay’adaha garsoorka.
“In garsoorayaasha amnigooda iyo noloshoodaba la kafaalo qaado waa hadaf ay Xukuumaddu leedahay, kolba inta wax laga qaban karo waan ka qabanaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo intaas ku daray in “Garsoorka iyo Caddaaladdu waa tiirarka dunida Ilaahay ku dhisay ee aanu bini’aadamku ka maarmi karin.”
Waxa kale oo hadalka Madaxweynaha Somaliland xambaarsan yahay farriin cad oo ku wajahan horumarinta adeegga caddaaladda, wax ka qabashada caqabadaha jira iyo dhisidda hannaan garsoor oo daah-furan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan. Sidoo kale, farriinta Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxay muujinaysaa faham qoto dheer oo ku aaddan in dhismaha qaran xooggan uu salka ku hayo ixtiraamka iy ilaalinta sharciga, iyo xaqiijinta in hay’adaha qaranka ay si siman ugu adeegaan bulshada. Isla markaana horumarinta iyo xoojinta madax-bannaanda garsoorku ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta nabadda, xasilloonida, kobcinta maalgashiga iyo xaqiijinta horumar waara.
Ugu dambayn, Shirweynaha 10-aad ee Garsoorka Heer Qaran waa tallaabo muhiim ah oo lagu sii xoojinayo dawladnimada Somaliland, laguna adkaynayo mabda’a ah in caddaaladdu tahay saldhigga horumarka iyo jiritaanka qaranka. Isla markaana Ilaalinta haybadda garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay ay tahay masuuliyad wada saaran hay’adaha dawladda, bahda garsoorka iyo muwaadiniinta, si loo gaadho mustaqbal ku dhisan sinnaan iyo dawladnimo adag.
Sidoo kale, shirweynahani waa madal muhiim ah oo lagu qiimeeynayo horumarka la gaadhay, laguna falanqeynayo caqabadaha taagan, isla markaana lagu dejinayo qorsheyaal lagu horumarinayo tayada iyo hufnaanta nidaamka caddaaladda. Talooyinka iyo khibradaha ka soo baxa shirkan waxay door muuqda ka qaadan doonaan casriyeynta adeegyada garsoorka iyo xoojinta kalsoonida bulshada.





