“Maanta Somaliland waxay taagan tahay marxalad taariikhi ah oo dunidu si dhow ula socoto. Indhaha beesha caalamka waxay ku soo jeedaan dalkeenna, iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xidhiidhka caalamiga ah iyo himilada aqoonsiga.
Aqoonsigu ma aha guusha xisbi siyaasadeed, xukuumad gaar ah, ama qof keliya. Waa himilo qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Somaliland, kana sarreysa kala aragti duwanaanta siyaasadeed.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan muwaadiniinta, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, dhallinyarada, haweenka iyo qurba-joogta inay garab istaagaan dedaallada diblomaasiyadeed ee ay hoggaaminayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana laga fogaado hadallo ama falal arrintan qaran lagu siyaasadeynayo ama lagu kala qaybsamayo.
Marka ummaddu mideysan tahay, codkeeduna mideysan yahay, waxay dunida u diraysaa farriin cad oo muujinaysa bisayl siyaasadeed, kalsooni iyo diyaar-garow dawladnimo. Midnimada shacabka ayaa ah awoodda ugu weyn ee lagu kasban karo saaxiibtinimada iyo kalsoonida caalamka.
Aan xusuusnaanno in taariikhdu ay xilliyadan oo kale qorto jiilalka doortay inay qarankooda ka hormariyaan danaha gaarka ah. Aynu noqonno hal cod, hal ujeeddo, iyo hal himilo—taas oo ah in Somaliland hesho aqoonsiga caalamiga ah ee ay mudan tahay.
Qaran mideysan ayaa dunida ka dhaadhicin kara xaqa uu leeyahay.”
Mohamed Ali (Obama)





