
Qiimaha shidaalka ayaa sare ugu kacay kadib weerarrada ay isdhaafsadeen Iiraan iyo Mareyknaka: foosto ka mid ah Brent crude oo ah qiimaha tixraaca caalamiga ah ee saliidda, ayaa kor u kacday in ka badan 3%, iyadoo gaartay $76 (£56.88).
Qiimaha shidaalka ayaa dib ugu soo laabtay heerarkii uu joogay ka hor dagaalka, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo ay bishii hore ay kala saxiixdeen Maraykanka iyo Iiraan.
Laakiin weerarradan cusub waxay dib u soo celinayaan walaaca ku saabsan socodka maraakiibta ee marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo ay maraan ku dhowaad shan meelood meel (1/5) dhammaan maraakiibta shidaalka adduunka.
Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.





