Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa hadalka Guddoomiyaha KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ee ku saabsan in aqoonsigu yahay qaddiyad qaran oo ka sarreysa tartanka siyaasadeed iyo danaha axsaabta. Aqoonsigu ma aha hanti uu leeyahay xisbi gaar ahi, balse waa himilo qaran oo ay wada leedahay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaa waajib innagu ah in aynu ku midowno hal mowqif iyo hal cod marka laga hadlayo danta qaranka iyo xaqiijinta himilada aqoonsiga. Midnimada, wadajirka iyo wada-tashigu waa tiirarka lagu gaadhi karo himiladaas, waana mas’uuliyad ay wadaagaan xukuumadda, axsaabta siyaasadeed iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale.





