Cilmi-baaris cusub ayaa muujineysa in kooxaha xagjirka ee ka dagaallama Nigeria, gaar ahaan ISWAP iyo Boko Haram, ay bilaabeen in ay siyaabo kala duwan uga faa’iidaystaan tiknoolajiyadda Sirdoonka Macmalka ah (AI), si ay ugu taageeraan hawlahooda.

Warbixintu waxay sheegtay in dagaallameyaashu ay AI u adeegsanayaan qorsheynta xeeladaha dagaalka, falanqaynta weerarrada ka dib marka ay dhacaan, iyo helitaanka aqoon farsamo oo kor u qaadi karta awooddooda hawlgallada.

Daraasaddan waxaa samaysay Antonia Juelich, oo ah khabiir ku takhasusay Sirdoonka Macmalka ah (AI) kana tirsan Jaamacadda Cambridge ee ku taal UK, waxay ku salaysnayd wareysiyo lala yeeshay dagaalyahanno horay uga tirsanaa ISWAP iyo Boko Haram.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in daraasaddu ay muujisay sida kooxahani u sii qabatimayaan tiknoolajiyadda casriga ah si ay u xoojiyaan hawlahooda.

Maxay tani ka dhigantahay

Cumar Saalax Gwani oo ah khabiir tiknoolajiyadda ah ayaa sheegay in inkasta oo AI aysan go’aaminayn goorta ama sida weerar loo qaadayo, haddana ay si degdeg ah u soo saarto xog iyo talooyin caawinaya dadka isticmaala.

“Waxa lagu sheegay in AI loo adeegsado qorshaynta weerarrada milatari, u qaybinta dagaallameyaasha waajibaadyo kala duwan, iyo diyaarinta hawlgallada. Sidaas oo ay tahayna AI ma aha tan go’aanka ugu dambeeya gaarta, balse waxay dedejisaa bixinta talooyinka iyo xogta,” ayuu yiri.

Sida uu sheegay, kamaradaha ku shaqeeya AI ayaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu falanqeeyo wixii dhacay ka dib weerarrada.

Tani waxay u oggolaanaysaa dagaallameyaasha in ay ogaadaan khaladaadkii dhacay iyo sida ay u hagaajin karaan weerarrada mustaqbalka.

“AI waxay awood u leedahay in ay baarto muuqaallada laga duubay weerarka kadib, ogaato meelihii ay khaladaadku ka dhaceen, islamarkaana soo jeediso habab lagu hagaajin karo isku-duwidda iyo waxqabadka kooxda,” ayuu intaas ku daray.

Baahida loo qabo taxaddar

Qaar ka mid ah khubarada amniga ayaa sheegay in loo baahan yahay taxaddar marka la qiimeynayo warbixintan.

Dr. Audu Bulama Bukarti oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha amniga Afrika, ayaa qaba in caqabadda ugu weyn ee warbixintu ay tahay habka xogta loo ururiyey.

“Waxaa jira su’aalo badan oo ku saabsan saxnaanta warbixintan. Ma jirto hab fudud oo lagu xaqiijin karo xogta ku jirta, maadaama ay ku salaysan tahay wareysiyo lala yeeshay dagaallameyaal hore oo Boko Haram iyo ISWAP ka tirsanaa, kuwaas oo iyaga laga soo xigtey sheegashooyinkan,” ayuu yiri.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xogihii hore ee la helay ay muujinayaan in ay suurtagal tahay in kooxahani ay muddo sannado ah adeegsanayeen AI.

Dr. Bukarti wuxuu sheegay in warbixinno hore ay tilmaameen in xubno ka tirsan ururka ISIS oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Liibiya, Faransiiska iyo waddamo Carbeed ay aqoonta AI gaarsiiyeen gobolka Harada Chad.

Sida uu sheegay, xogaha sirdoonka iyo warbixinaha cilmi-baaristu waxay muujinayaan in tan iyo sannadkii 2023, qaar ka mid ah laamaha ISWAP iyo Boko Haram ay sameeyeen unugyo gaar ah oo u xilsaaran sidii AI loogu adeegsan lahaa hawlahooda.

“Warbixinadu waxay muujinayaan in kooxuhu ay dhiseen waaxyo gaar ah oo shaqadoodu tahay cilmi-baarista iyo la socodka sida AI loogu adeegsan karo horumarinta hawlgalladooda,” ayuu yiri.

Maxay tahay khatarta ka dhalan karta?

Khabiirka amniga ayaa ka digay in isticmaalka AI uu sii xoojin karo awoodda kooxaha xagjirka ah dhinacyo badan.

Wuxuu sheegay in tiknoolajiyaddu ay ka caawin karto:

Dardargelinta isgaarsiinta.

Ururinta xogta.

Falanqaynta xeeladaha amniga.

Dr. Bukarti wuxuu sidoo kale ka digay in haddii hay’adaha dowladda aysan qaadin tallaabooyin ku habboon, isticmaalka cusub ee AI uu sii kordhin karo dhibaatooyinka ka jira goobaha ay colaadaha ka oogan yihiin.

“AI waxay door weyn yeelan kartaa tillaabooyinka lagu horumarinayo hawlaha argagixisada. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in hay’aduhu qaadaan tallaabooyin ku habboon si looga hortago in kooxahaasi tiknoolajiyaddan ugu adeegsadaan dembiyo dheeraad ah,” ayuu yiri.

Dhawaan, ciidamada Nigeria ayaa sheegay in dagaalyahannada Boko Haram iyo ISWAP ay taageero iyo tababar ka helayaan dagaalyahanno ajaanib ah. Ciidamadu waxay sidoo kale baahiyeen sawirro ay ku sheegeen in ay muujinayaan dad ajaanib ah oo gacan siinaya kooxahaas ka dagaallama waqooyi-bari ee Nigeria.

Inkasta oo loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah si loo xaqiijiyo dhammaan xogaha ku jira warbixinta, Dr. Bukarti wuxuu sheegay in uu rumeysan yahay in kororka isticmaalka tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan AI, uu noqon doono mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee amniga Nigeria wajahaya sannadaha soo socda.

Iyadoo dunidu ay sii kordhinayso ka faa’iidaysiga AI dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha, warbixinadu waxay muujinayaan in kooxaha hubeysan iyo kuwa kacdoonnada wada ay iyaguna raadinayaan sidii ay ugu adeegsan lahaayeen tiknoolajiyaddan in ay ku gaaraan ujeeddooyinkooda gurracan.

“Tani waxay muujinaysaa sida ay muhiim u tahay in la dejiyo sharciyo, la adkeeyo kormeerka, lana xoojiyo amniga si looga hortago in tiknoolajiyadda casriga ahi ay gasho gacanta kooxaha dambiyada iyo argagixisada ku hawlan,” ayuu ku soo gabagabeeyay Dr. Bulama Bukarti.

Bbc somali