
Fihiima Quunje, ayaa ka tanaasushay aragtideedii midnimada Somaliweyn isla markaasina iskancasishay xilkii ay ka haysay maamulka Firdhiye.
Siyaasiyad Fahiima Quunje iyo garab ay horkacayso ayaa ku soo waajahan Somaliland kadib markii is faham uu dhex maray xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Cirro, oo hore gogol nabadeed u dhigay deegaanada bariga Sool.
Dhanka kale waxa iyana ku soo waajahan magaaladda Hargeysa ganacsato iyo hogaamiye dhaqameed ka soo jeeda bariga Sool oo wada hafal u furmi doono xukuumadda Somaliland dhawaan.
Waxana maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhaaya ciidamada hubaysan ee ka soo goosanaaya magaaladda Laascaanood.
Dadkani imanaaya Somaliland ee ma soo jeeda bariga Sool waa dad u imanaaya dadkoodii iyo dalkoodii waxana lagu soo dhaweeyaa gacmo furan.





